Caruurta Laascaanood oo wajahaysa khatarta rasaastii aan qarxin oo Somaliland ka tagtay

Mid kamid ah caruurta oo isbitaalka Manhal lagu dabiibayo. [Isha Sawirka: Halbeeg]

Laascaanood-(Puntland Mirror) Hal cunug ayaa dhintay halka labo kale ay ku dhaawacmeen kadib markii uu qarxay mid kamid ah madaafiicdii ay ciidamada Somaliland uga tageen magaalada Laascaanood maanta oo Isniin ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo deegaanka ah.

Caruurta dhaawaca soo gaaray oo da’adoodu u dhaxayso 12-15 sanno ayaa hadda lagu dabiibayaa isbitaalka Manhal ee magaalada, sida ay tabisay warbaahinta maxaliga ah ee Halbeeg.

Somaliland ayaa Laascaanood iyo hareeraheeda uga tagtay waxyaabo aan qarxin kuwaasoo ay isticmaalaysay 8 bilood oo ciidankeeda iyo ciidamada SSC-Khatumo dagaalka ku wada jireen.

Horey ayaa sidaan oo kale labbo caruur ah ugu dhinteen duleedka Laascaanood kadib markii ay ku qarxeen rasaas aan qarxin oo ay Somaliland ciidankeeda kaga tageen goobihii dagaaladu ka dhacayay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*