Turkiga oo ilaa iyo hadda ruqseeyay 1,400 oo ciidamada militariga ah

turkey-military
Ciidamada dalka Turkiga.

Ankara-(Puntland Mirror) Turkiga ayaa ruqseeyay 1,389 oo ciidamada ah kuwaasoo looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin wadaadka ganacsadaha ah Fethullah Gulen, ee fadhigiisu yahay dalka Maraykanka, kaasoo dowlada Turkiga ay ku eedaysay isku-daygii afgembiga fashilmay.

Ruqsaynta ayaa timid maanta oo Axad ah saacado yar kadib markii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu sheegay inuu qorshaynayo inuu soo saaro isbadalo badan oo ku wajahan militariga, oo ay kamidyihiin xirida iskuulo tababar.

“Waxaanu rabnaa in aan soo bandhigno qoraal yar oo dastuuri ah oo aan u soo bandhigi doono baarlamaanka si ay u meelmariyaan, waxaanu u wareejinaynaa haayada sirdoonka qaranka (MIT) iyo taliyaha ciidamada in ay hoostagaan madaxtooyada,” Erdogan ayaa sidaa yiri.

Wuxuu intaas ku daray Erdogan in iskuulo militari la xiri doono… lana asaasi doono jaamacad militari si ay qayb uga qaadato kala hurkifid balaaran oo lagu samaynayo militariga.

Sidoo kale wuxuu sheegay in mustaqbalka taliyeyaasha dhilka, badda iyo hawada ay si rasmiya warbixinta u siin doonaan wasiirka amaanka, Fikri Isik.

Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay sirdoonka in ay ku fashilmeen afgembiga fashilmay wuxuuna sheegay in uusan ku faraxsanayn warbixinta uu ka helay haayada sirdoonka MIT iyo madaxeeda, Hakan Fidan habeenkii inqilaabka.

“Haddii aysan xaalada caadi kusoo noqon inta lagu guda jiro xaalada deg dega ah kadib waanu kordhinaynaa sida France,” Erdogan ayaa sidaa yiri isagoo tusaale u soo qaatay France oo xaalad deg deg ah iclaamisay markii ay ka dhaceen weeraro argagixiso oo is-xig-xiga.

Madaxweynaha ayaa sheegay ilaa iyo hadda in 18,699 oo qof la xiray tan iyo markii uu dhacay isku daygii afgembiga fashilmay.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*