Kooxda kubada cagta Puntland oo ku guulaysatay ciyaaraha maamul goboleedyada Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoowe

Kooxda Puntland
Kooxda kubada cagta ee Puntland.

Garoowe-(Puntland Mirror) Kooxda kubada cagta  Puntland ayaa maanta oo Axad ah dib ugu soo noqday caasimada dowlada Puntland, Garoowe.

Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali, Madaxweyne ku-xigeenka Cabdixakiim Cumar Camay, xubno kamid ah golaha wasiirada iyo golaha baarlamaanka iyo boqolaal shacab ah ayaa kooxda kusoo dhaweeayay garoonka kumeel gaarka ah ee Kanooko oo kuyaala galbeedka Garoowe.

Sidoo kale boqolaal shacab ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee magaalada iyo barxada weyn ee magaalada oo kutaala bartamaha magaalada si ay u soo dhaweeyaan kooxda guulaysatay.

Kooxda kubada cagta Puntland ayaa 5-3 oo gool ku laad ah uga badiyay kooxda Jubbaland ciyaartii kama dambaysta ahayd ee ciyaaraha kubada cagta ee maamul goboleedyada Soomaaliya oo dhawaan lagu qabtay caasimada Soomaaliya.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*