Taliyeyaasha AMISOM oo ka walaacsan diyaargaroowga ciidamada Soomaaliya

Brig Paul L’Okech, taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya. [Xigashada Sawirka: The Observer]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Taliyeyaasha howlgalka milatariga Afrika ee AMISOM ayaa ka walaacsan diyaargaroowga ciidamada Soomaaliya marka ay baxaan.

“SNA waa kuwo si fiican u tababaran laakiin aan si wanaagsan u diyaarsaneyn in ay la wareegaan ammaanka,” ayuu yiri Brig Paul L’Okech, oo ah taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya.

“Inaan helno dagaalyahanno waa fududahay laakiin sidee baad u ilaalineysaa? Soomaaliya muddo dheer ma aysan lahayn ciidan, waxaan isku dayaynaa in aan dhisno hal laakiin waxaan u baahanahay inaan dadaal badan ku bixino tababarka, dib u habeynta iyo diyaarinta, “Ayuu yiri L’Okech.

AMISOM ayaa hoos u dhigtay tirada ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay, waxaa laga dhigay 21,000 halka awal ay ahaayeen 22,000.

Dal walba oo ku deeqay ciidamada ayaa hoos u dhigay 250 kamid ah ciidankooda katirsan AMISOM, sida uu sheegay Kornayl Richard Omwega, oo ah afhayeenka AMISOM.

Sida uu yahay qorshaha bixitaanka, 1,000 askari oo kale oo katirsan AMISOM ayaa ka tagi doona Soomaaliya bisha Oktoobar ee sanadkan.

 

AMISOM waxaa sameeyay golaha ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika bishii Jannaayo ee sanadkii 2007, iyada oo ujeedadu ahayd in ay taageeraan dowladda federaalka Soomaaliya, ayna tababaraan ciidamada Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*