Shir-weynaha Jaamacada Carabta oo ka furmay dalka Cumaan

Shir-weynaha Jaamacada Carabta oo ka furmay dalka Cumaan. [Sawirka: Twitter]
Shir-weynaha Jaamacada Carabta oo ka furmay dalka Cumaan. [Sawirka: Twitter]
Amman-(Puntland Mirror) Shir-weynaha sanadlaha ah ee wadamada Jaamacada Carabta ayaa maanta oo Arbaco ah ka furmay dalka Cumaan.

Shirka oo soconaya hal maalin ayaa waxaa kasoo qaybgalay 18 dal.

Dhibaatooyinka adag ee ka jira dhowr dal oo Carbeed ayaa la filayaa in uu yahay ajandaha ugu weyn ee shirka, gaar ahaan xaaladaha Suuriya, Liibiya iyo Yeman iyo sidoo kale colaada Falastiin iyo Yuhuuda.

Isaga oo ka hadlayay furitaanka shirka, Boqorka Cumaan Cabdullaahiga Labaad oo shirka martigeliyay ayaa sheegay xal u helida Falastiin iyo Yuhuudu in ay tahay furaha dhismaha nabadgelyo ee Bariga Dhexe.

“Yuhuudu waxa ay sii wadaan in ay balaariyaan deegaameysiga waxayna taasi dhibaataynaysaa guul ka gaarida nabada,” ayuu yiri Boqorka Labaad.

“Ma jiri doonto wax nabad iyo xasilooni ah ilaa xal buuxa laga gaaro arrinta Falastiiniyiinta,” ayuu ku daray Boqorku.

Boqorka Cumaan ayaa ugu yeeray dadaalo lagula dagaalamayo argagixisada.

“Argagixisadu waxay khatar ku tahay Carabta iyo wadamada Islaamka in ka badan inta cid kasta, dadka ugu badan oo ay dhibaateeyeen argagixisadu waa Muslimiinta.” Ayuu yiri.

Shirkii ugu dambeeyay ee Carabta ayaa waxaa martigelisay dalka Mauritania sanadkii hore.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*