Saldhiga milatariga Imaaraatka Carabta ee Berbera oo la furayo bisha June

Khariidada magaalada Berbera. [Sawirka: World Atlas]
Dubai-(Puntland Mirror) Saldhiga milatariga Imaaraatka Carabta ee Somaliland ayaa shaqada bilaabi doona bisha June ee sanadka soo socda, sida uu sheegay diblomaasi katirsan Somaliland.

Habka kaamaradaha dabagalka ayaa loo adeegsan doonaa si loo ilaaliyo saldhiga oo kuyaala xeebta magaalada Berbera, sida safiirkii hore ee Somaliland u qaabilsanaa Imaaraatka Baashe Cawil Cumar uu sheegay.

“Saldhiga Imaaraatka waxa uu faaiido u yahay gobolka oo dhan, burcadbadeeda, kalluumaysiga sharci darada ah, aasida sunta: ma aanu heysano awood aanu ku ilaalino xeebaheena,” Baashe ayaa sidaa ku yiri wareysi uu siiyay warbaahinta caalamiga ah ee Bloomberg.

“Imaaraatka waxa uu noqday saldhiga gobolka hadday noqoto ganacsi. Imaaraatka si uu u sugto booskaas, sidaas ma sii ahaan karo haddii uusan ilaalin isku xirka ganacsiga.” Ayuu ku sii daray.

Saldhiga oo cabir ahaan ku fadhiya 42 kiilomitir oo isku wareeg ah ayaa ka kooban saldhiga ciidamada badda iyo labo dhabbo oo ay diyaaraduhu ku ordaan oo la socda, sidaa uu sheegay Baashe.

Dhabaha ay diyaaraduhu ku ordain oo ka kooban 4.9 kiilomitir ayaa 60 boqoliiba la dhammeeyay, sida uu sheegay Baashe.

Imaaraatka Carabta ayaa badinaya saldhigyadiisa milatari ee Geeska Afrika si ay uga caawiso difaacida ganacsiga mara kanaalka Baabul Mandab, oo ah marin muhiim u ah maraakiibta qaada saliida iyo doonyaha kale ee bagaashka sida ee adeegsada kanaalka Suweys. Sidoo kale saldhigyada uu Imaaraatku ka sameystay Somaliland iyo Eriteeriya ayaa gacan ka geysanaya dagaalka uu hormuudka u yahay Sucuudiga ee ka dhanka ah Xuutiyiinta Yeman.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*