Al-Shabaab oo dishay afar nin oo ay ku eedaysay basaasnimo

Al-Shabaab oo dishay afar nin oo ay ku eedaysay basaasnimo. [Sawirka: Archive]
Al-Shabaab oo dishay afar nin oo ay ku eedaysay basaasnimo. [Sawirka: Archive]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Ururka Al-Shabaab ayaa meel fagaare ah ku dilay afar nin oo ay ku eedeeyeen in ay basaasiin u ahaayeen dowladda Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka iyo saraakiisha Al-Shabaab.

Dilka ayaa ka dhacay fagaare kuyaala degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo qiyaastii 70 km dhanka waqooyiga kaga beegan magaalo xeebeedka Kismaayo.

“Sida ay Shareecadu qabto, maxkamad ayaa xukuntay kiiska afarta nin ee lagu dilay fagaare kuyaala gudaha degmada Jilib galabnimadii Axada,” Maxamed Abu Cabdalla, oo ah guddoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Jubbada Hoose ayaa sidaa sheegay, sida ay kasoo xigatay wakaalad wararka Reuters.

Waxa uu intaas ku daray in afarta nin ay qirteen in ay ahaayeen basaasiin.

Bishii lasoo dhaafay, labo nin ayay meel fagaare ah ku toogatay Al-Shabaab kadib markii ay ku eedaysay isku-tag jinsi.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*