RW UK oo xilka ka dagi doona kadib dadweynaha UK oo u codeeyay ka bixida Midowga Yurub

RW Britain David Cameron oo ka hadlayay aqalka UK looga taliyo natiijada codbixinta kadib.

 

London-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha UK ayaa xilka ka dagaya bisha Oktoobar kadib markii UK ay u codaysay in ay ka baxaan Midowga Yurub.

Isaga oo ka hadlayay banaanka aqalka UK looga taliyo ee 10 Downing Street, wuxuu sheegay in uu isku dayay “inuu markabka uusan liiq liiqan” asbuucyada iyo bilaha soo socda balse taasi waxay keentay in loo baahanyahay “hoggaamiye cusub”.

RW ayaa dalkiisa ka codsaday in ay u codeeyaan kasii mid ahaanshaha laakiinse waxaa lagu garaacay 52% halka 48% ay u codeeyeen kasii mid ahaanshaha.

RW Cameron oo ay dhinac taagnayd xaaskiisa Samantha ayaa sheegay inuu ku wargeliyay boqorada go’aankiisa ah inuu xafiiska sii joogi doono wakhti yar kadibna uu ku wareejin doono RW cusub marka la gaaro wakhtiga  shirka xisbiga Conservative-ka oo dhacaya bisha Oktoobar ee sanadkan.

“Dadka reer Britain waxay sameeyeen go’aan cad si ay u qaadaan wado kale waxaana u malaynayaa dalka inuu u baahanyahay hoggaamiye cusub si loo qaado jihadan cusub,” ayuu yiri RW cameron oo ka hadlayay banaanka hore ee aqalka madaxtooyada.

“Uma malaynayo in ay sax tahay anigu in aan ahaado kabtan u jihaynaya dalkeena jihada cusub oo uu aadayo,” ayuu ku daray.

Hoos ka daawo hadalkii taariikhiga ahaa ee RW David Cameron uu jeediyay kadib markii la baahiyay natiijada kasoo baxday aftida dadweynaha.

 

 

Warbixintan waxaa diyaarshay tifaftiraha Puntland Mirror, Cabdi Cumar Bile.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*