RW Khayre oo haayadaha samafalka ka codsaday in ay gargaar la gaaraan dadka ay fatahaaduhu wax yeeleeyeen

Dad gaaraya 427,000 ayay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay roobabka. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka codsaday haayadaha samafalka in ay gargaar la gaaraan dadka ay wax yeeleeyeen fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

Shir looga hadlayay xaalada fatahaadaha oo ka dhacay Muqdisho maanta oo Sabti ah ayaa Raysulasaare Khayre uu kulan la qaatay dhammaan masuuliyinta haayadaha caalamiga ah ee samafalka ee ka shaqeeya gudaha Soomaaliya, waxaana uu ka codsaday in gargaar lala gaaro dadka ay dhibbaatadu soo gaartay.

Waxaan farayaa haayadaha samafalka in gargaar walba oo ay hayaan gaarsiiyaan deegaanada dhibbaatadu ka taagantahay.” Ayuu yiri.

Khayre ayaa sidoo kale magacaabay guddi ka kooban 22 xubnood oo uu hogaaminayo Raysulwasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, wuxuuna faray in ay kulan deg deg ah ka yeeshaan gurmadkan iyo sida ugu haboon uguna wanaagsan ee loo caawin karo shacabka.

Dad gaaraya 427,000 ayaa waxaa saameeyay fatahaado kadib markii roobab da’ay ay keeneen in wabiyadu ay qarka jabiyaan maalmihii lasoo dhaafay, sida ay sheegeen haayadaha samafalka Jimcadii.

Ku dhawaad 120,000 ayaa ku barakacay magaalada Beled Weyne oo kamid ah meelaha ugu daran oo ay saameeyeen fatahaaduhu markii wabiga Shabeelle uu jabsaday qararkiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*