Roobab ka da’aya deegaanada xeebaha Puntland

Asbuucii lasoo dhaafay ayaa laga digay in roobab mahiigaan ah oo wata duufaano ay ku soo socdaan deegaanada xeebaha Puntland. [Isha Sawirka: Accu Weather]
Garoowe-(Puntland Mirror) Roobab ayaa ka da’aya deegaanada xeebaha Puntland 24 saac ee la soo dhaafay.

Gobolada Gaardafuu iyo Bari ayaa roobabka ugu badan ka da’ayaan iyadoo magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland uu roobku hayay ilaa subaxnimadii Jimcada.

Dhanka gobolka Nugaal, roobab dabaylo wata ayaa galabnimadii Jimcada soo gaaray deegaanada xeebaha oo ay kamidtahay degmada Taariikhiga ah ee Eyl.

Doonyo siday kalluun ayaa la sheegay in ay ku dageen xeebta Eyl, welise faahfaahin dheeri ah lagama hayo waxaana halkaas ka go’an isgaarsiinta.

Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa ilaa xalay roob degan oo aan dabayl wadan ka da’ayaa.

Asbuucii lasoo dhaafay ayaa laga digay in roobab mahiigaan ah oo wata duufaano ay ku soo socdaan deegaanada xeebaha Puntland.

Weli haayadaha dowladda Puntland kama aysan hadlin khasaaraha ka dhashay roobabka dabaylaha wata ee ka da’aya deegaanada xeebaha.

Qoraal digniin ah oo bogga Facebooka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland lagu daabacay saakay oo Sabti ah ayaa dadka looga digay in aysan ku safrin togaga iskana ilaaliyaan dhulka biyo mareenka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*