Qarax xaflad aroos u badalay murugo, ugu yaraan 30 qof oo ku dhimatay qaraxa oo ka dhacay Turkiga

Qarax Turkiga
Qarax ka dhacay xaflad aroos oo ka dhacaysay Turkiga.

Istanbul-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 30 qof ayaa lagu dilay 94 qof oo kale in ka badana waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay munaasabad aroos oo ka dhacaysay gobolka koonfurta-bari ee Gaziantep ee dalka Turkiga.

Qaraxa oo dhacay shalay oo Sabti ahayd ayaa ahaa “mid argagixiso”, sida uu sheegay, Ali Yerlikaya, oo ah guddoomiyaha gobolka Gaziantep.

Mehmet Simsek, oo ah raysulwasaare ku xigeenka Turkiga ayaa u sheegay warbaahinta in qaraxa uu u muuqday inuu ahaa isbiimayn.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in kooxda ISIS (Daacish) ay u badantahay in ay masuul ka tahay qaraxaas.

“Dalkayga iyo qaranka oo dhan mar labaad bay hal fariin u dirayaan kuwa weerarada nagu haya: Ma guulaysan doontaan” sidaa ayuu yiri Erdogan.

Ma jirto cid si rami ah u sheegatay masuuliyada weerarkaas, marka laga tago eedaynta dowlada Turkiga.

Turkiga ayaa sanadadii u dambeeyay wajahayay weeraro argagixiso oo badan oo uu kamid ahaa kii bishii lasoo dhaafay ee Juun ka dhacay garoonka diyaaradaha caalamiga ee Ataturk ee magaalada Istanbul, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 44 qof.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*