Haayadaha amaanka gobolka Bari ee Puntland oo soo bandhigay saddex sarkaal oo Al-Shabaab ah

Al-Shabab officials
Saddexda sarkaal ee katirsan kooxda Al-Shabaab oo lasoo bandhigay.

Boosaaso-(Puntland Mirror) Haayadaha amaanka gobolka Bari ee Puntland ayaa maanta oo Sabti ah soo bandhigay saddex sarkaal oo Al-Shabaab ah kuwaasoo ciidamada ay kusoo qabteen howlgalo ka dhacay gobolka Bari, sida ay sheegeen saraakiisha dowlada.

Saraakiisha lasoo qabtay oo katirsan kooxda Al-Shabaab ayaa magacyadooda yihiin, Axmed Aadan Cabdulaahi, Muuse Aadan Maxamed iyo Cabdulaahi Ibraahim.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in saddexda sarkaal ee Al-Shabaab katirsan dhawaan la hor-geyn doono maxkamad.

Bishii lasoo dhaafay ee Juun, maxkamad Puntland ah ayaa 43 xubnood oo Al-Shabaab ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii maxkamada ay ku heshay in ay ka qaybgaleen dagaalkii ciidamada dowlada Puntland iyo maleeshiyada Al-Shabaab dhexmaray bishii Maarso ee sanadkan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*