Puntland iyo Galmudug oo sheegay in ay kala durkiyeen ciidamadooda

Madaxweynaha Puntland, madaxweynaha Galmudug iyo RW Soomaaliya oo saxaafada kula hadlaya goobihii dagaalada ka dhaceen ee duleedka Gaalkacyo. [Sawirka: Puntland Mirror]
Madaxweynaha Puntland, madaxweynaha Galmudug iyo RW Soomaaliya oo saxaafada kula hadlaya goobihii dagaalada ka dhaceen ee duleedka Gaalkacyo. [Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Puntland iyo Galmudug ayaa maanta oo Jimce ah kala durkiyay ciidamadooda oo isku hor fadhiyay duleedka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo ay ku dagaalameen asbuucyadii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha dowladda Puntland, masuuliyiin ka mid ah golayaasha Puntland, Raysulwasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha mamulka Galmudug  ayaa waxay tageen maanta oo shir jaraa’id ku qabteen goobihii ay dagaaladu ka dhaceen ayna isku hor fadhiyeen labada ciidan.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali  oo goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay guddiyadii labada dhinac ee howsha kaalin weyn ka geystay, wuxuuna sheegay in uu ku faraxsanyahay sida wanaagsan ee ay u socdaan shirarka nabadaynta magaalada Gaalkacyo isla markaana ay muhiim tahay in ay dhammaato colaadda magaalada ka jirta.

”Waan ku faraxsanahay in maanta aan joogno goobihii uu dagaalku ka socday isla markaana aan ku guulaysano in la gaaro xabad joojin rasmi ah sidoo kalena ciidamada lakala durkiyo, cidkasta oo arrintaas gacan ka geysatayna waan u mahadnaqaynaa, waxaan rajaynaynaa in colaadda Gaalkacyo ay dhammaato, dadka ehelka ee walaalaha ahna ay helaan xal iyo nabad waarta, wada hadalada jira waqtigaana ma joogsan doonaan balse way sii socon doonaan” ayuu yiri Madaxweynaha Cabdiweli.

RW dowladda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo dhex-dhexaadiye u ahaa labada dhinac ayaa dhankiisa sheegay in horey loo qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xallinayo colaadda magaalada Gaalkacyo, wuxuuna yiri: “runtii waan ku faraxsanahay in aan maanta joogno goobtii dagaalku ka socday isla markaana ciidankii labada dhinac lakala qaaday, waana ku rajo weynahay inta harsan in lasii dhammaystiri doono.”

Dhankiisa, Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in guusha laga gaaray colaadda Gaalkacyo ay tahay mid la wada sugayey.

“Guusha aynu ka gaarnay colaadda Gaalkacyo waynu wada sugaynay waana ku faraxsanahay in aan ciidankii kala qaadnay, ciidamada labada dhinac waxaa waajib ku ah inay fuliyaan wax kasta oo looga heshiiyo colaadda magalada Gaalkacyo” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

In ka badan 50 qof oo u badan ciidamada dagaalamay ayaa ku geeriyooday dagaalka ka dhacay Gaalkacyo oo bilaabmay bilowgii bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar.

Ku dhawaad 90,000 shacab ah ayaa ku barakacay colaada Gaalkacyo, sida ay sheegtay UNHCR.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*