Mid kamid ah ilaaladiisa oo ku dhaawacmay qarax magaalada Boosaaso lagula beegsaday wasiirkii hore ee qorshaynta Puntland

Puntland Shire Xaaji Faarax. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Miinada wadada lagu aaso ayaa lala beegsaday gaariga wasiirkii hore ee qorshaynta Puntland Shire Xaaji Faarax gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso maanta oo Axad ah.

Shire Xaaji oo gaariga la socday ayaan wax dhibaato ah ka soo gaarin weerarkaas, balse mid kamid ah ilaaladiisa ayaa ku dhawaacmay qaraxa, sida ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Maleeshiyada ISIS ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay ku warantay wakaalada waraka Amaq oo taageerta kooxdaas.

Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland ayaa bilihii dhawaa ee la soo dhaafay waxaa soo hagaagayay nabadgalyadeeda kadib markii dowladda ay halkaas geysay ciidamo badan si ay uga qeyb qaataan howlgalada lagu sifeynayo ururada argagixisada ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*