Duqii Muqdisho oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay xafiiskiisa

Cabdirixmaan Cumar Cusmaan. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Duqii maagalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay xafiiskiisa, sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya maanta oo Khamiis ah.

Waxa uu ku dhintay magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo loo geeyay in lagu daaweeyo weerarka kadib.

Cabdirixmaan Cumar Cusmaan oo loo yaqaan Yariisow ayaa si xun ugu dhaawacmay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho 24-kii July, kaasoo ay sheegteen maleeshiyada Al-Shabaab.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay saddex beri oo baroordiiq ah, amrayna in calanka hoos loo dhigo.

Yariisow ayaa noqday duqa Muqdisho sanadkii lasoo dhaafay. Waxa uu xilal kala duwan oo ay ku jiro wasiir kasoo qabtay dowladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*