Mid kamid ah dablaydii dhaawacday Kornayl Xaaji Cariish oo ku dhintay koonfurta Gaalkacyo

Mid kamid ah dablaydii dhaawacday Kornayl Xaaji Cariish oo ku dhintay koonfurta Gaalkacyo. [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Mid kamid ah dablaydii ku dhaawacday Kornayl Xaaji Cariish gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa geeriyooday, sida goobjooge ku sugan gudaha xaafada Wadajir ee koonfurta magaalada Gaalkacyo halkaas oo uu ninku ku geeriyooday uu u sheegay warsidaha Puntland Mirror.

Goobjoogaha ayaa sheegay in ninka ay dhaawaceen dad shacab ah oo ka ag dhawaa markii ay weerarka u gaysteen Kornayl Xaaji Cariish.

“Dad shacab ah oo goobta ku sugnaa markii ay weerarka dableydu u geysteen Kornaylka ayaa rasaas ku furay saddexda nin mid kamid ah ayay dhabarka xabad uga dhacday, waxaana uu isla caawa ku geeriyooday xaafada Wadajir ee koonfurta Gaalkacyo,” goobjoogaha oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa sidaa yiri.

Kornayl Xaaji Cariish oo katirsanaan jiray ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa hadda lagu dabiibayaa gudaha isbitaalka GMC ee kuyaala Gaalkacyo kadib dhaawacyadii soo gaaray xalay, sida ay sheegeen ilo-wareedyo caafimaad.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*