Madaxweynaha dowlada Puntland oo la kulmay shacabka Gaalkacyo

IMG_8266
Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali.

 

 

Galkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Sabti ah la kulmay bulshada Gaalkacyo.

Kulanka oo ay kasoo qayb galeen cuqaal, wax-garad, aqoon yaha, dhallinyaro iyo haween ayaa waxaa diiradda lagu saarayey xaaladda amni ee gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

IMG_8129
Bulshada Gaalkacyo oo kulanka Madaxweynaha kasoo qaybgalay.

Dhammaan dadweynihii kala duwanaa ee kasoo qayb galay kulanka ayaa soo jeediyey talooyinkooda la xiriira sidii wax looga qaban lahaa xaaladda amni ee magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan tan gobolka Mudug.

Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo kulanka soo xiray ayaa dadweynaha reer Gaalkacyo ku dhalliilay in ay ka gaabiyeen doorkoodii la xiriirey sugidda amniga balse looga baahan yahay in isbeddel intaa ka ballaaran la sameeyo lalana shaqeeyo laamaha ammaanka.

IMG_8359
Madaxweynaha dowlada Puntland oo la hadlaya shacabka magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dawladdu ay Gaalkacyo u tagtay in laga fuliyo hawl-gallo baaxad weyn oo lagu xaqiijinayo sugidda nabad-gelyada iyo soo afjaridda fallalka argagixisanimo ee liddiga ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana shacabka looga baahan yahay in ay qaybtooda ka qaataan si loo soo afjaro kooxaha caadeystey in ay dilaan dadka maatada ah.

Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa wasiirka amaanka Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), wasiirka ayaa khudbad kasoo jeediyey kulanka isagoo dadweynaha u sheegay in ay jiraan hawl-gallo lagu sugayo nabadgelyada oo laga bilaabay magaalada, wasiir Qarjab ayaa ka codsaday bulashadu in ay la shaqayso laamaha amaanka.

IMG_8308
Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo kulanka ka hadlayay.

Xaalada amaanka ee Gaalkacyo ayaa bilihii u dambeeyay soo xumaanaysay, intii lagu jiray bishii lasoo dhaafay ee Juun waxaa magaalada lagu dilay saddex qof oo katirsanaa dowlada, oo ay kamid ahayd wakiilkii wasaarada haweenka Puntland ee gobolka Mudug Dhudi Yuusuf Aadan.

Warsidaha Puntland Mirror ayaa ogsoon in Madaxweyne Cabdiweli uu rabo inuu isbadal ku sameeyo masuuliyiinta gobolka iyo degmada ee magaalada Gaalkacyo, sidoo kale waxaa la filayaa in madaxweynaha uu kala diro golaha deegaanka ee degmada.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*