Madaxweynaha Puntland oo sheegay in aan qofna lagu jirdilin gudaha xabsiyada Puntland

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Xigashada Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada]
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Xigashada Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Isaga oo la hadlayay idaacada VOA qaybta Af-Soomaaliga Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa qaadacay  eedaymo sheegaya in Puntland ay jirdil u geysato maxaabiista ku jira xabsiyada.

“Taasi waligeed ma dhicin, mana ahan sax, mana ogolaanayno wax walba oo tacadi iyo jirdil ah, ciidamadayadu waa u tabobaranyihiin,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kiisaska argagixisada ay baaraan ciidamo loo tabobaray.

“Qof walba ma baaro kiisaska argagixisada sida Al-Shabaab, waxaa jira ciidamo gaar ah kuwaasoo loo tabobaray in ay baaraan kiisaskaas.” Ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli.

Ugu dambayna, Madaxweynaha ayaa sheegay in uusan doonayn in qof aan lahayn wax dambi loo yeelo dambi.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya asbuuc kadib markii qayb kamid ah odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada Boosaaso ay dowladda ku eedeeyeen in ay jirdisho maxaabiista ku jira xabsiga Boosaaso si ay u qirtaan dambiyadooda.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*