Ciidamada ammaanka DFS oo sheegay in ay soo afjareen weerar ay Al-Shabaab ku qaaday huteelka SYL ee Muqdisho

Ciidamo dad ka badbaadinaya dhismaha huteelka. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo afjaray weerar ay Al-Shabaab ku qaaday huteelka SYL ee Muqdisho, sida taliye ku xigeenka booliiska Sakiya Xuseen ay ku sheegtay war-saxaafadeed.

“Waxaa ciidamadeena geesiyaasha ah ay soo afjareen weerarkii ay kooxda argagixisada ah ku soo qaadeen huteelka SYL ee magaalada Muqdisho iyagoo soo badbaadiyay shacab iyo masuuliyiin kor u dhaafaya 80 oo ku jiray gudaha markii uu weerarku dhacay,” Sakiya Xuseen ayaa sidaas ku tiri war-saxaafadeedka oo soo baxay aroornimadii Arbacada.

Waxay intaas ku dartay in weerarka ay ka dambeeyeen shan dagaalyahan kuwaasoo dhammaantood ay toogteen ciidamadu.

Khasaaraha weerarka ka dhashay ayaa ah labo askari iyo saddex shacab oo dhimasho ah, sida ay sheegtay taliye ku xigeenka booliiska.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay tabiyeen warbaahintoodu.

Ma ahan markii ugu horeysay oo SYL huteel uu la kulmo weerar Al-Shabaab, labo jeer oo hore ayay maleeshiyadu weerartay huteelka, oo ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo bilihii u dambeeyay magaalada Muqdisho ay ku jirtay jawi nabdoon.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*