Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump oo sheegay in uu masaafurin doono ama uu xiri doono ajaaniibta sharci darada ku joogta gudaha Mareykanka

donald
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump. [Sawirka: CBS]
Washington-(Puntland Mirror) Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ay u qorshaysantahay in uu masaafuriyo ama uu xabsi dhigo in ka badan saddex milyan oo qaxooti  ah oo aan sharci ku joogin Mareykanka, taasoo uu sheegay in ay kamidtahay arrimaha ugu muhiimsan ee uu doorbidayo, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay taleefishin tan iyo markii la doortey.

Wareysiga oo la dhaho “60 Daqiiqo” oo uu la yeeshay taleefishinka CBS  ayaa la baahiyey Axadii.

Waxa uu si cad ugu sheegay wareysiga in uu mustaqbalka baabi’in doono qaxootiga aan sharciga ku joogin dalka, isaga oo carabka ku dhuftay In uu diirada saarayo dadka dembiyada galay.

“Waxaanu rabnaa dadka dambiyada galay, kooxaha tuugada ah iyo daroogada kuwa gada, oo gaaraya ilaa saddex milyan in aan dalkayaga ka saarno ama aan xirno,” ayuu yiri Trump.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in uu ilaalin doono balanqaadkiisii ahaa in uu derbi ka dhisi doono xadka u dhaxeeya Mareykanka iyo Mexico.

Si kastoo ay ahaataba, hadalkiisii uu jeediyay markii la doortay, waxa uu wacad ku maray in uu ahaan doono madaxweynaha “dhammaan Mareykan oo dhan”.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*