Ku dhawaad 160 arday oo ka qalinjabiyay Jaamacadda Bariga Afrika Faraceeda Garoowe

Sawirka: Ardayda Jaamacadda Bariga Afrika Faraceeda Garoowe oo ku sugan xaflada qalinjabintooda.

Garoowe-(Puntland Mirror) Ku dhawaad 160 arday ayaa ka qalinjabiyay Jaamacadda Bariga Afrika Faraceeda Garoowe.

Xaflada qalinjabinta oo lagu qabtay xarunta jaamacadda ee Garoowe maanta oo Arbaco ah, waxaa ka soo qeybgalay marti sharaf uu kamid ahaa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali.

Qalinjabiyeyaasha ayaa ka kala socday kuliyadaha Shareecada, Public Administration, Community Development, Business Administration, Economics, Clinical Medicine, iyo Environmental Science, sida uu sheegay madaxa jaamacadda ee Garoowe, Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf.

Ardayda kuliyada Environmental Science ayaa ahaa kuwii ugu horeeyay ee kuliyadaas ku dhammeeya gudaha Soomaaliya, Shiikha ayaa intaas ku daray.

Isaga oo ka hadlayay xaflada qalinjabinta, Madaxweyne Cabdiweli ayaa ardayda ugu hambalyeeyay dhameysashada jaamacadda.

“Ugu horeyn, waxaan u hambalyeynayaa ardayda qalinjabisay ee guusha ka gaartay waxbarsahada muddo afar sanno ah, sidoo kale waxaan u hambalyeyn waalidiintii ku soo tabacday si ay heerkaan u soo gaaraan,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Sawirka: Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo ka hadlaya qalinjabinta Jaamacadda Bariga Afrika Faraceeda Garoowe.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa ardayda u sheegay in waxbarashadu aanay dhaamaystirin wax kasta oo noloshu ku salaysan tahay, balse ay tahay furaha lagu xaliyo wax walba.

“Waxbarashadu ma aha hadafka koowaad ee nolosha, waxa weeye furihii iyo farsamadii aad noloshiina wax kaga bedeli lahaydeen, waa furihii iyo farsamadii aad dalkiina iyo dadkiinaba wax kaga bedeli lahaydeen”.

Xaflada qalinjabinta ee maanta oo Arbaco ah ayaa ahayd tii lixaad tan iyo markii faraca jaamacadda ee magaalada Garoowe la furay sanadkii 2009, sida ay sheegeen maamulka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*