Kooxda Booko Xaaraam oo samaysatay idaacad

Kooxda argagixisada ah ee Booko Xaaraam oo ka dagaalanta dalka Nayjeeriya ayaa samaysatay idaacad FM ah oo mawjadeedu tahay 96.8, sida ay sheegtay laanta Xawsaha ee idaacada VOA.

Sida ay wararku sheegayaan, dadka ku nool tuulada Yolkomari oo udhow Waqooyiga fog ee dalka Kaamiruun ayaa sheegay in ay maqleen codka idaacad, taasoo faafinaysa barobagaandada Booko Xaaraam.

Booko Xaaraam oo ah koox hubaysan oo ka dagaalanta dalka Nayjeeriya iyo qaybo kamid ah xadka Nayjeeriya ay la wadaagto wadamada Kaamiruun iyo Jaad ayaa la asaasay sanadkii 2009-ka, kooxda ayaa ku dishay qaraxyo iyo xabado dad gaaraya 19,000 oo qof.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*