Itoobiya oo sheegtay in 70 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ay ku dileen gudaha Soomaaliya

Janaraal Yilma Merdassa. [Sawir Hore]
Addis Ababa-(Puntland Mirror) Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda cirka ay ku dhawaad 70 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ku dileen gudaha Soomaaliya.

Warbaahinta dowladda ku dhow ee Fana ayaa sheegtay in duqeynta uu ujeedkoodu ahaa in lagu fashiliyo weerar ay Al-Shabaab ku qaadi lahayd ciidamada Itoobiya ee katirsan howlagalka Midowga Afrika Amisom ee Soomaaliya.

Sidoo kale warbaahinta ayaa sheegtay in labo gaari oo qarax laga soo buuxshay lagu burburshay weerarka.

Itoobiya ma aysan sheegin deegaanka iyo wakhtiga ay dhacday duqeyntu.

Fana ayaa soo xigatay Janaraal Yilma Merdassa oo katirsan ciidanka cirka oo dhahaya “waxaanu ku guuleysanay 100-kiiba boqol qorshahayagii.”

Ma jirto wax hadal ah oo dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya kasoo baxay.

Kenya oo katirsan Amisom ayaa sidoo kale qaaday duqeymo cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, halka milatariga Mareykanku uu qaaday 22 duqeymood oo uu ku beegsaday Al-Shabaab intii lagu guda jiray sanadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*