Xoghayihii dowladda hoose ee degmada Garoowe oo shaqada laga ceyrshay

Xoghayaha la ceyrshay Cabdiqafaar Cabdiraxmaan. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Maxamed Xirsi ayaa xilkii ka qaaday xoghayihii dowladda hoose ee degmada Garoowe Cabdiqafaar Cabdiraxmaan, sida ay sheegayso digreeto.

Maxamuud Cali Xasan ayaa loo doortay xoghayaha cusub ee degmada, sida lagu sheegay digreetada oo soo baxday maanta oo bishu ku beegantahay 27 November 2017.

Xil ka qaadista ayaa timid kadib soojeedin ka timid golaha deegaanka iyo duqa degmada iyo baahida loo qabo xoghaye firfircoon.

Cabdiqafaar ayaa mudadii uu xafiiska hayay waxaa lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo shaqo xumo.

Xoghayaha la ceyrshay ayaa xafiiska qabtay dabayaaqadii sanadkii 2015 kadib markii Madaxweyne Cabdiweli oo u magacaabay xoghayaha dowladda hoose ee degmada Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*