In ka badan 20 qof oo ku dhimatay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Sool

In ka badan 20 qof oo ku dhimatay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Sool. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) In ka badan 20 qof ayaa lagu dilay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Sool, sida ilo-wareedyo maxali ah ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Isku dhacyada oo u dhaxeeya labo maleeshiyo oo katirsan beesha Dhulbahante ayaa Isniintii ka qarxay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool, sida ilo-wareedku sheegay.

Ku dhawaad 30 qof oo kale ayaa ku dhaawacantay dagaalka, kaasoo ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca deegaankaas.

Dhumay waa tuulo qiyaastii 40 kiilomitir dhanka koonfurta ka xigta magaalada Laascaanood, ee xarunta gobolka Sool.

Colaada u dhaxeysa labadan beelood ayaa soo bilaabmatay sanadkii 2003, waxayna u socotay si teel teel ah tan iyo markaas, inkastoo marar badan la isku dayay in la dhammeeyo.

Odayaal dhaqameedka iyo culimada diinta ee ku sugan gobolka, ayaa labada dhinac u jeediyay in ay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*