Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo saddex beri dib u dhigay doorashada madaxweynaha

Guddiga doorashooyinka Jubbaland. [Sawir Hore]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Doorashada madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland ayaa dib loo dhigay muddo saddex beri ah, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka.

Bayaan ay soo saareen xalay goor dambe, guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in ujeedadu tahay in fursad la siiyo musharixiinta aan is-diiwaangelin kadib codsi ka yimid beesha caalamka.

Dooraashada ayaa dhici doonta maalinta Khamiista oo ku beegan 22-ka bisha Agoosto 2019, bayaanka ayaa intaas ku daray.

Khamiistii, wefdi ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa magaalada Kismaayo kulan kula yeeshay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, waxayna ka codsadeen in fursad la siiyo musharixiinta mucaaradka ah si ay isku diiwaangeliyaan ayna uga qeyb galaan doorashada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*