Hoggaamiye sare oo katirsanaa Talibaan oo lagu dilay duqayn hawada ah oo ka dhacday gobolka Kunduz

Mullah Abdul Salam Akhund. [Sawirka: Twitter]
Mullah Abdul Salam Akhund. [Sawirka: Twitter]
Kabul-(Puntland Mirror) Sargaal sare oo katirsanaa ururka Talibaan ayaa lagu dilay weerar duqayn ah oo ka dhacay waqooyiga dalka Afghanistan, sida ay sheegeen kooxda hubaysan maanta oo Isniin ah.

Mullah Abdul Salam Akhund, kaasoo maamuli jiray falaagada Talibaan ee horey si kooban u qabsaday Kunduz intii lagu guda jiray sanadkii 2015-kii, ayaa horey saraakiisha Afghanistan marar badan u sheegeen in la dilay.

Zabihullah Mujahid, oo ah afhayeenka Talibaan, ayaa cadeeyay bayaanka Mareykanku ay ku sheegteen in la dilay sargaalkaas.

Mullah Abdul Salam Akhund, ayaa kamid ahaa saddex dagaalyahan oo lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ka dhacay gudaha gobolka Kunduz oo ay geysteen diyaarado dagaal.

Sargaal ku sugan gobolka Kunduz oo la hadlay wakaalada wararka Reuters oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa sheegay Mullah Abdul Salam Akhund in uu ku jiray safar markii isaga oo ku nasanaya guri kuyaala  magaalada Dasht-e-Archi ee gobolka Kunduz lala eegtay gantaalo.

Afhayeen u hadlay millatariga Mareykanka ayaa sheegay in diyaarad dagaal oo Mareykanku leeyahay ay qaaday duqayntaas Axadii shalay, balse ma uusan bixin faahfaahin badan.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*