Hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya oo 18 xubnood ku kordhiyay aqalka sare

Shirka madasha qaran
Shirka madasha qaran ee u dhaxeeya hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya sidoo kale loo yaqaan Madasha Qaran oo Muqdisho shir ku yeeshay ayaa sheegay in xubnaha cusub ee aqalka sare ay ku kordhiyeen 18 xubnood oo cusub, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen.

Xubnaha cusub ayaa si siman loogu qeybiyay maamul goboleedyada dalka ka jira sida lagu qeexay bayaanka.

1. Somaliland——–11 kursi————–3 kursi——————14 kursi

2. Puntland———-11 kursi—————3 kursi—————-14 kursi

3. Galmudug——–8 kursi—————-3 kursi——————11 kursi

4. Hirshabeelle—–8 kursi—————-3 kursi——————11kursi

5. K/Galbeed——-8 kursi—————-3 kursi —————–11kursi

6. Jubbaland——-8 kursi—————-3 kursi——————11kursi

18-ka Xubnood ee cusub ayaan baarlamaanka maamul goboleedyadu dooran doonin sidii kuwii hore, waxaana toos u dooran doona madaxweynayaasha maamul goboleedyada.

Xildhibaanada aqalka sare ayaa horey uga koobnaa 54 xubnood balse hadda waxay noqonayaan 72 xubnood.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*