Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo ka codsaday dhinacyada ay ka dhaxayso colaada Gaalkacyo in ay dhowraan heshiiska xabad-joojinta

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. [Xuquuqda Sawirka: UN News Centre]
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. [Xuquuqda Sawirka: UN News Centre]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa ka codsanaya dhammaan dhinacyada ay colaadu ka dhaxayso ee Gaalkacyo in ay si buuxda u xushmeeyeen xabad-joojinta la kala saxiixday bishii lasoo dhaafay.

“Colaada sii socota waxay keeni kartaa barakac balaaran oo ka dhaca Gaalkacyo. Iyadoo lagu qiyaasay 90,000 dad ah in ay ku barakaceen dagaalkii bishii Oktoobar ee sanadkan, 30,000 oo dadkii barakacay ah ma aysan kusoo noqon guryahoodii waxayna ka cabsi qabaan dagaal soo cusboonaada,” sidaa ayuu Keating ku yiri bayaan.

“Puntland iyo Galmudug waa in ay kala khilaafkooda ku xaliyaan xaalad aan dagaal ahayn ayna si deg deg ah isugu waafaqaan tilaabooyin lagu furayo wadooyinka xiran, iyo kala qaadista ciidamada si aancago jiid lahayn. cid walba oo kasoo horjeesada nabada iyo xasiloonida waa lala xisaabtamayaa.” Ayuu ku daray.

Jimcadii, ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa madaafiic isku-weydaarsaday duleedka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Gaalkacyo ayaa u kala qeybsanta labo qeybood, mid waxaa maamusha Puntland tan kalena Galmudug.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*