Gabar Soomaali ah oo katirsan haayada WHO oo lagu dilay Muqdisho

Sumada WHO. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Niman hubeysan ayaa ku toogtay gabar shaqaale gargaar ah gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho Talaadadii, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Maryan Cabdullaahi, oo ahayd gabar Soomaali ah oo la shaqeysa haayada Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa lagu dilay suuqa Barkaaraha ee Muqdisho kadib markii labo nin oo baastoolad ku hubeysan ay ku soo dhawaadeen ayna ka shiisheen meel u dhow, sida ay sheegeen ciidamada booliiska dowladda federaalka Soomaaliya.

Nimankii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta.

Masuuliyiinta WHO kama aysan hadlin weli.

Ma jirto koox sheegatay masuuliyada dilka loo geystay Maryan, balse saraakiisha booliiska ayaa ku eedeeyay maleeshiyada hubeysan ee Al-Shabaab. 

Waa shaqaalihii labaad oo gargaar oo wax ka yar labo bilood gudahood lagu dilo Muqdisho. Dabayaaqadii bishii Maarso Cabdulxaafid Yuusuf Ibraahim oo katirsanaa haayada ICRC ayaa lagu dilay Muqdisho kadib markii qarax loogu rakibay gaarigiisa uu ku qarxay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*