Ciidanka Ammaanka Puntland oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka wada buuraha Galgala

Sawirka: Gaari gaashaaman oo ay leeyihiin ciidanka PSF oo ku sugan gudaha buuraha Galgala.

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Ammaanka Puntland ee PSF ayaa howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka bilaabay buuraha Galgala, sida PSF ay ku sheegeen bayaan ay soo dhigeen barta Facebook.

Bayaanka, PSF ayaa ku sheegtay in howlgalku uu ka dhacay deegaanka Ceel Dibir ee gudaha buuraha Galgala.

PDF ma aysan xusin haddii ay jiraan khasaare ka dhashay intii uu howlgalku socday.

Si kastoo ay ahaataba, PSF ayaa wacad ku martay in ay sii wadi doonaan howlgalka si ay deegaanka uga nadiifiyaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Al-Shabaab joogitaankeeda buuraha Galgala ayaa noqonaya todobo sanno-jir, waxay ahayd 2010 markii dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Al-Shabaab uu halkaas ka bilowday kaasoo ay ku dhinteen boqolaal dad ah labada dhinacba.

Bishii June ee sanadkan, dagaalyahano ka socda Al-Shabaab ayaa weeraray saldhig ay ciidamada Puntland ku lahaayeen tuulada Af-urur ee buuraha Galgala, waxayna dileen tobonaan askar ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*