Dablay hubaysan oo Al-Shabaab katirsan oo Boosaaso ku dilay xeer ilaaliyihii maxkamada ciidamada Puntland

Xeer ilaaliyihii maxkamada ciidamada ee Puntlan, Cabdikariim Xasan Firdhiye. [Sawirka: Archive]
Xeer ilaaliyihii maxkamada ciidamada ee Puntlan, Cabdikariim Xasan Firdhiye. [Sawirka: Archive]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Dablay ka tirsan Al-Shabaab oo baastoolado ku hubaysnaa ayaa magaalada Boosaaso maanta oo Axad ah ku dilay xeer ilaaliyihii maxkamada ciidamada ee Puntland Cabdikariim Xasan Firdhiye, sida ay sheegeen goobjoogayaashu.

Xeer ilaaliyaha ayaa dablaydu ku toogteen kasoo horjeedka xarunta booliiska ee magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen goobjoogayaashu.

Dablayda ayaa goobta ka baxsaday kadib markii ay toogashudu dhacday.

Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilkaas, sida ay sheegeen warbaahintooda barobagaandada u faafisa.

Dilkan ayaa imaanaya wax ka yar labo asbuuc kadib markii weeraro ka dhacay magaalada Boosaaso lagu dilay taliye ku xigeenkii ciidamada booliiska Puntland Jaamac saxardii iyo agaasimihii madaxtooyada Boosaaso Aadan Gaas Huruuse, oo ay masuuliyadooda sheegatay maleeshiyada Al-Shabaab.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*