Ciidamada dowladda Soomaaliya oo isku diyaarinaya guluf si looga xoreeyo gobolka Shabeellaha Hoose Al-Shabaab

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo isku diyaarinaya guluf si looga xoreeyo gobolka Shabeellaha Hoose Al-Shabaab. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya guluf si looga xoreeyo gobolka Shabeellaha Hoose maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

Ciidamo cusub oo aad u hubaysan ayaa la geeyay deegaano kuyaala gobolka Shabeellaha Hoose si ay dagaal ula galaan maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa wali ah mid kamid ah deegaanada kuyaala ay koonfurta Soomaaliya  oo ay Al-Shabaab ku xoogantahay.

Bishii April ee sanadkan, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, taasoo muddo sannado ah u dagaalamaysay in ay awooda ka tuurto dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*