Ciidamada DFS iyo kuwa maamulka Jubbaland oo ay taageerayaan AMISOM oo deegaano ku dhow Kismaayo kala wareegay Al-Shabaab

huwan
Ciidamada maamulka Jubbaland.

Kismaayo-(Puntand Mirror) Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland oo ay taageerayaan ciidamada AMISOM ayaa kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Cabdalla Biroole oo 50km dhanka koonfu galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Xoogaga is-garabsanaya ayaa shalay oo Arbaco ahayd weeraro ku qaaday deegaanada u dhow magaalada Kismaayo oo ay joogaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Si cad looma ogaan karo khasaaraha ka dhashay dagaalada halkaas ku dhexmaray ciidamada is-garabsanaya iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa haysata inta badan gobolka Jubbada Dhexe iyo qaybo kamid ah Jubbada Hoose, ciidamada is-garabsanaya ayaa doonaya in ay goboladaas ka saaraan maleeshiyada.

Ciidamada Kenya ayaa Al-Shabaab ka saaray magaalada Kismaayo 2012-kii, balse maleeshiyada ayaa wali ku sugan deegaanada u dhow Kismaayo.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*