Ciidamada ammaanka Ruushka oo Moscow ku fashiliyay weeraro argagixiso oo ay ISIS qorsheysay

579adcadc4618872148b4571
Ciidamada ammaanka Ruushka oo Moscow ku fashiliyay weeraro argagixiso oo ay ISIS qorsheeyeen. [Sawirka: Archive]
Moscow-(Puntland Mirror) Haayadaha ammaanka federaalka dalka Ruushka ayaa magaalada Moscow ku fashiliyay weeraro is-xig-xiga oo ay soo qorshaysay kooxda Dowladda Islaamiga ah ee (ISIS), sida ay ku warantay wakaalada wararka Ruushka.

Koox u dhalatay dalal ajnabi ah oo ay kamidyihiin Tajikistan iyo Moldova ayaa ku lug lahaa weerarka, sida ay sheegtay wakaalada wararka dowladda maanta oo Khamiis ah.

Ciidamada ammaanka ayaa kooxda ku qabtay waxyaabo ay kamidyihiin walxaha qarxa.

Haayadaha ammaanka Ruushka ayaa adkeeyay amniga guud ee dalka Ruushka, iyaga oo ka cabsi qaba weeraro argagixiso oo ay kooxda ISIS ka geysato halkaas.

Ruushka ayaa taageero siiya dowladda Suuriya oo uu hoggaamiyo Bshaar al-Asad taasoo dagaal kula jirta kooxda hubaysan ee ISIS oo ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*