Editorial

Sawirka: Cabdikariim Muuse (Qalbi Dhagax).

Muxuu Sharciga Caalamiga ah ka qabaa Dhiibistii Abdikarin Muuse (Qalbi Dhagax) iyo Jawaabtii Dowladu ka bixisay

Cabdikariin Muuse (Qalbi Dhagax) wuxuu ahaa Sarkaal katirsanaa Ciidankii Xoogga Dalka Soomaliyeed (CXDS), wuxuu ku dhaawacmay dagaalkii 1977 dhexmaray Soomaaliya iyo Ethiopia oo lagu xoraynayey dhulka Soomaaliyeed (Howd/ Ogadenia), Walaalkiis wuxuu ku dhintay isla dagaalkaas. Markii ay burburtay Dowladda dhexe ee Soomaaliya Sarkaalkani wuxuu ku biiray Jabhadda ONLF (Ogaden National Liberation Front) oo u dirirta xoraynta dhulka Ethiopia xooga ku[Read More…]

by September 23, 2017 0 comments Editorial, Somali News
Mukhtaar Roobow Abu Mansuur. [Sawirka: Archive]

Waa kuma Mukhtaar Roobow, maxay is dhiibistiisu uga dhigantahay Al-Shabaab?

Mukhtaar Roobow sidoo kale loo yaqaan Abu Mansuur waxa uu ku dhashay sanadkii 1969 gudaha degmada Xudur ee gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Waxa uu Quraanka Kariimka ku bartay dugsi Quraan kuyaala gudaha gobolka Bakool, kadibna waxa uu barashada diinta kasii watay masaajid kuyaala gudaha magaalada Muqdisho. Sanadkii 1990 waxa uu shareecada ka bartay Jaamacada Khartuum ee dalka Suudaan.[Read More…]

by August 13, 2017 0 comments Editorial, Somali News
Bukaan Soomaali ah oo 700 dhagaxuunta kelyaha ah looga soo saaray qaliin loogu sameeyay gudaha Hindiya

Bukaan Soomaali ah oo 700 dhagaxuunta kelyaha ah looga soo saaray qaliin loogu sameeyay gudaha Hindiya

Dhakhaatiir joogta dalka Hindiya ayaa 700 dhagaxuunta kelyaha ah kasoo saaray nin Soomaali ah, sida uu daabacay wargeyska The Hindu Times, oo soo xiganaya dhakhaatiirta qaliinka fulisay. Dhakhaatiirta oo ka howlgasha isbitaal gaar loo leeyahay ayaa aad u yaabay markii ay ninka Soomaaliga ah ka heleen boqolaal dhagaxuun yar yar ah. Waxayna uga shakiyeen in ninka ay saameysay arrin gaar[Read More…]

by July 29, 2017 0 comments Editorial
Shirka soo bandhigada waxqabadka xukuumadii la riday. [Xigashada Sawirka: Radio Daljir]

Maxay waxqabad ku sheegeen golihii wasiiradda Puntland ee la riday?

Garoowe-(Puntland Mirror) Kadib markii Baarlamaanka Puntland uu riday golihii wasiradda asbuucii lasoo dhaafay, ayaa golaha wasiiraddu bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ay ku doonayaan in ay dib ugo soo noqdaan masraxa siyaasadda Puntland markale. Golihii la riday ayaa shalay oo Axad ahayd Garoowe ka furtay shir ay ugu yeereen soo bandhigida waxqabadka xukuumada Puntland, iyaga oo ku qabtay qol yar oo kuyaala jaamacada[Read More…]

Heshiiska Kalluumaysiga Soomaaliya: Gaari-faraska oo laga hormariyey Faraska

Heshiiska Kalluumaysiga Soomaaliya: Gaari-faraska oo laga hormariyey Faraska

Heshiska ku meelgaarka ah ee ku saabsan bixinta ruqsadaha kalluumaysiga ee Tuunada iyo noocyada Tuunada la mid ka ah ee dhowaan ay isla gaareen Dowladda Federaalka Somaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa lagu soo waramayaa in uu burburayo. Warar ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Somaaliya ay kala dhantaashay oo joojisey kulan la qorsheynayey in lagu dhamaystiro heshiiska oo ka dhici lahaa[Read More…]

Shukri Axmed Cali,(bidix), iyo Cabdirisaaq Maxamed Bedel (midig), oo katirsan Abaarso oo laga aqbalay in ay ka qeybgalaan Wellesley College iyo Marist College ee Mareykanka. [Xuquuqda Sawirka: VOA]

Mamnuucida dal kugalka Mareykanka oo walaac ku abuuray mustaqbalka waxbarasho ee arday Soomaaliyeed

Hargeysa-(Puntland Mirror) Shurki Axmed Cali waxay ahayd mid jidbaysan kadib markii ay bartamihii bishii December ee sanadkii tagay 2016-ka waraaqda ogolaanshaha ka heshay Wellesley College oo kuyaala gobolka Massachusetts ee dalka Mareykanka. Laakiin Shukri oo 19-sanno jir ah, oo kasoo jeeda maamulka Somaliland ee waqooyiga-galbeed ee Soomaaliya, ayaa ka walwalsan in aysan ka qaybgalin Wellesley College sanadkan sababtoo ah Madaxweyne[Read More…]

by February 5, 2017 0 comments Editorial, Somali News
Eyga waxaa lahaa madaxweynaha walaashiis waxaana uu waardiye uga ahaa gurigeeda. [Sawirka: BBC]

Ey dilay cunuga madaxweynaha dalka Gambia oo la dilay

Ay dilay cunug yar oo sideed sano jir ah oo uu dhalay Madaxweynaha dalka Gambia Adama Barrow ayaa la dilay, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda. Habibu Barrow ayaa ku dhintay isbitaalka kadib markii uu qaniinay eygu bishii lasoo dhaafay isaga oo ku sugnaa guriga eedadiis oo kuyaala xeeb u dhow caasimada Banjul. Weerarka ayaa dhacay kahor inta Barrow la caleemo-saarin[Read More…]

by February 2, 2017 0 comments Editorial
Huteel cusub oo dhawaan laga dhisay gudaha magaalada Garoowe. [Xigashada Sawirka: Maxamed Daahir Caynsane/sawirqaade madax-banaan]

Caasimada Puntland ee Garoowe oo soo jiidatay maalgeliyeyaasha

Garoowe waa xarunta gobolka Nugaal iyo caasimada dowladda Puntland ee Soomaaliya. Magaaladu waxay kamidtahay magaalooyinka ugu balaaran Soomaaliya uguna dadka badan. Garoowe waxa ay kutaalaa bartamaha gobolada Puntland, magaalada ayaa si xowli ah u koreysa. Sanadadii dhawaa ee lasoo dhaafay, magaalada waxaa laga furay huteelo casri, makhaayado heer sare ah iyo xarumo kale oo ganacsi, kuwaasoo qeyb weyn ka qaatay[Read More…]

by January 26, 2017 0 comments Editorial, Puntland, Somali News
Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo xadiday tan madaxweynaha

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo xadiday tan madaxweynaha

Baarlamaanka cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Arbacadii asbuucii lasoo dhaafay doortay guddoomiyaha baarlamaanka, sida ay sheegayso awood qeybsiga siyaasadeed ee qabiilka ku salaysan, doorashadaasi waxay meesha ka saartay ugu yaraan mid kamid ah murashixiinta ugu waa-weyn madaxtinimada. Dib u doorashada guddoomiyihii hore Maxamed Cumaan Jawaari ayaa maalinimadii Arbacada ka dhacday caasimada Muqdisho, isaga oo 141 cod ka helay 259[Read More…]

by January 13, 2017 0 comments Editorial
Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. [Sawirka: Archive]

Kismaayo oo noqotay meel ay diirada saaraan murashixiinta madaxweynaha Soomaaliya

Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa noqotay meel ay diirada saaraan murashixiinta madaxweynaha Soomaaliya, dhammaan murashixiinta madaxweynaha ayaa booqanaya halkaas si ay uga ololeystaan. Asbuucii lasoo dhaafay, waxaa halkaas tagay Raysulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake si uu kulamo ula yeesho xubnaha aqalka hoose iyo aqalka sare ee dowladda federaalka ee Jubbaland kasoo jeeda, ugana uu dhaadhicyo in ay doortaan.[Read More…]

by December 5, 2016 0 comments Editorial
Scroll Up