Caruurta yar yar ee kunool deegaanada bartamaha Soomaaliya oo ka cararaya askar qorista Al-Shabaab

Wiil yar oo ay Al-Shabaab askaraysay. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) In ka badan 100 caruur aha oo ka carartay deegaanada ay maamulaan maleeshiyada Al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya ayaa gaaray magaalo xeebeedka Cadale, iyaga oo raadinaya in ay naftooda la cararaan.

Wareysi uu siiyay idaacada laanta Af-Soomaaliga ee VOA, guddoomiyaha tuulada Cadale Muuse Maxamed Axmed ayaa sheegay in caruurtu ay kasoo carareen olole ay Al-Shabaab ku qoranayso dagaalyahano cusub.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in maleeshiyadu ay iskuulada maxaliga ah ka afduubanayso caruurta.

Caruurta ayaa kasoo cararay tuulooyin iyo magaalooyin kuyaala bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan Galgaduud, Hiiraan iyo meelo kamid ah Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay guddoomiyuhu.

Cadale waa magaalo ganacsiyeed muhiim ah oo kutaala gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada oo qiyaastii 220km dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan Muqdisho.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa horey loogu eedeeyay in kala bar dagaalyahanadeedu ay yihiin caruur aad u da’a yar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*