Ku dhowaad 20-sanno kadib, inkastoo riyada in garoon diyaaradeed caalamiga ah ay Garoowe yeelato ay mar walba soo rumoobeyso, Warsidaha Puntland Mirror ayaa helay war aan lagu farxin oo sheegaya in shaqada hagaajinta garoonku ay u xaniban tahay dhaqaale xumo darteed lixdii bilood ee la soo dhaafay. Xilligan aanu daabacayno maqaalkan, ma jirto wax shaqo ah oo ka socota garoonka diyaaradaha.

Warkan mugdiga leh ayaa yimid wax yar ka dib ku dhawaaqidii iyo waxbixintii ray-raynta lahayd ee uu jeediyey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la xiriirtey heshiis lagu dhisayo garoon diyaaradeed cusub ee magaalada Gaalkacyo.

Su’aalaha ay akhristayaashayada laga yaabo in ay isweydiinayaan ayaa kala duwan sida, maxay tahay sababta shaqadaan muhiimka ah ay u joogsatay? Maxaa ku dhacay dhaqaalihii $6-da milyan ahaa ee loogu talogalay in lagu maalgeliyo mashruuca? Shaqo intee le’eg ayaa lagu guulaystay oo la dhammeeyay? Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo, baqdinta iyo shakiga ah in ay dhici karto in mashruucan aan laga guulgaarin mustaqbilka dhow. Akhristayaashayada ayaa laga yaabaa in ay shaki ka muujiyaan caqliga iyo xikmadda ka danbaysa in maalgelin loo raadiyo garoon diyaaradeed cusub halka labada garoon diyaaradeed ee Boosaaso iyo Garoowe oo horey u bilaabmay dhismahooda aysan midna dhamaystirnayn caqabado dhaqaale la’aan darteed.

Balse waxaan ku laabqabowsanaynaa xaqiiqda ah in hawsha dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe uu yahay mid loo soo maray safar dheer oo rajo badan, aragti ahaana ka dhashay baahida loo qabo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo maqaamka Garoowe oo ah caasimadda Puntland iyo rajadaas oo ay noolaysay tabarucaadka deeqsinimada leh ee Dowladda Kuwait.

Dib u jaleecid taariikhda Garoonka Diyaaraha Garoowe

Koritaanka iyo balaarashada magaalada Garoowe waxay sababtay in ay magaaladu dhaafto soohdimaheedii hore oo ay isku fidiso dhulka duleedkeeda ah dhinaca galbeedka iyo bariga oo ayna ka talaabto Togga Majo-maqarshe oo ku yaala dhinaca waqooyiga iyo galbeedka magaalada. Si kastoo ay ahaataba balaarashada magaalada ee dhanka koonfureed iyo koonfur bari waxaa caburiyey garoonkii hore ee diyaaradaha Garoowe. Garoonkaas dhulkiisa oo yaraa, dhulka oo ahaa raf dhagax badan, iyo isaga oo aad ugu dhowaa guryaha ku yaala duleedka xaafada Hantiwadaag, garoonku ma ahayn mid muddo dheer sii jiri kara maxaa yeelay diyaaraduhu si badqabta uma isticmaali karin, kumana haboonayn in horumarin iyo kor u qaadid lagu sameeyo si looga dhigo mustaqbalka garoon diyaaradeed caalamiga ee ay magaaladu u baahnayd.

Dabayaaqadii sanadkii 2002-dii, buslahada Garoowe ayaa go’aan ku gaartay in la iibiyo dhulkii garoonkii hore ee diyaaradaha Garoowe si dhaqaale loogu uruuriyo dhismaha garoon diyaaradeed cusub oo laga yagleelo meel ka baxsan magaalada.

Kulamo isdaba socday ayaa waxaa lagu dhisay guddi ka kooban bulshada qaybaheeda kala duwan  sida indheer-garadka, odayaasha dhaqanka, culimada iyo ganacsatada, gudigaas oo madax looga dhigay Mudane Xaaji Cabdi Xaaji Yuusuf oo loo yaqaan “Cabdi Shuluco” si ay ugu hawlgalaan diyaarinta iyo fulinta mashruuca. Guddigii Shuluco hogaaminayey waxay amreen hawshii calaamadaynta, xadaynta, naqshadayda iyo qorshaynta garoon diyaaradeed caalami ah oo laga dhiso dhul 15-km dhanka bariga uga beegan magaalada.  Waxay guddigu gudaha iyo dibada Puntland ka bilaabeen dhaqaale uruurin ay dhib badan ka mareen Illaaheyna ku guuleysiiyey. Qandaraaska talo-bixinta iyo dhismaha garoonka diyaaradaha waxaa la siiyay Eng. Cabdulqaadir Ciise Xaaji oo leh shirkada dhismaha Mubaarak oo fadhigeedu yahay Garoowe.

Bulshada iyo ganacsatada reer Nugaaleed dal iyo dibadba waa ay isugu taageen mashruuca waana ay ka jawaabeen baaqii dhaqaale ururinta iyagoo bixiyey tabarucaad  dhaqaale iyo taageero. Markii danbe Dowladda Puntland waxay mashruuca aqbashay bartamihii sanadkii 2005-dii, iyadoo Allaha u naxariisteee Madaxweynihii hore Maxamuud Muuse Xirsi (Cade) iyo shirkada macdanta baarta oo laga leeyahay Austaraaliya oo lagu magacaabo Range Resource ay dhaqaale ku bixiyeen. Mar kasta waa ay iska cadayd in dhaqaalaha la hayo uusan ku filnayn in lagu dhiso dariiqa diyaaraduhu ku ordaan oo laami ah, oo laakiin waxa keli ah  ee la dhisi karay ay tahay dariiq jay adag ah.

Bishii Janaayo sannadkii 2009-ka markii Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole uu awooda qabsaday, inta badan shaqada dhismaha garoonku waxaa dhameeyey guddigii uu horseedka u ahaa Cabdi Shuluco dhismuhuna waxa uu ku jiray wajigiisii u dambeeyay. Dhowr bilood ka dib Madaxweyne Faroole ayaa si rasmi ah u furay garoonka diyaaradaha cusub ee Garoowe.

Ka bilow bidix: wasiirkii hore ee duulista iyo garoomada Puntland Axmed Cilmi Cusmaan (Karaash), madaxweynihii hore Cabdirxamaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo mudane Xaaji Cabdi Yuusuf Shuluco oo ku sugan xafladii daahfurka garoonka diyaaradaha Garoowe oo dhacday 17-dii Agoosto, 2010. [Xigashada Sawirka: Dunida Online]
Ka bilow bidix: wasiirkii hore ee duulista iyo garoomada Puntland Axmed Cilmi Cusmaan (Karaash), madaxweynihii hore Cabdirxamaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo mudane Xaaji Cabdi Yuusuf Shuluco oo ku sugan xafladii daahfurka garoonka diyaaradaha Garoowe oo dhacday 17-dii Agoosto, 2010. [Xigashada Sawirka: Dunida Online]

Maamulkii Madaxweyne Faroole wuxuu sidoo kale dhisay terminalka garoonka diyaaradaha kaasoo si rasmi ah uu u furay maalmihii u dambeeyay ee uu xafiiska ka sii tagayay.

Duulimaadkii ugu horeeyay oo soo caga dhigta garoonka diyaaradaha Garoowe markii la furay 17-dii Agoosto, 2010. [Xigashada Sawirka: Dunida Online]
Duulimaadkii ugu horeeyay oo soo caga dhigta garoonka diyaaradaha Garoowe markii la furay 17-dii Agoosto, 2010. [Xigashada Sawirka: Dunida Online]
Terminaalka cusub ee garoonka diyaaradaha Garoowe. [Xigashada Sawirka: Puntlandi]
Terminaalka cusub ee garoonka diyaaradaha Garoowe. [Xigashada Sawirka: Puntlandi]

Mashruuca hadda jira ee Garoonka Diyaaradaha Garoowe oo ay maalgelisay Kuwait

Labo shakhsi oo aad loo ixtiraamo oo kala ah Diblomaasi Cumar Xaaji Cali iyo Mudane Faysal Yuusuf Xawaar ayaa si hagar la’aan ah uga shaqeeyay raadinta dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe ee magaalada Garoowe iyo Jaamacada Maakhir oo ku taala magaalada Badhan, iyaga oo ka raadiyay Sanduuqa Kuwait ee Horumarinta Dhaqaalaha Carabta (KFAED). Bartamihii bishii Diseembar ee sanadkii 2010-kii dowladda Kuwait ayaa si niyad wanaag iyo deeqsimo leh ugu balanqaaday dhaqaale dhan $10 milyan labadaas mashruuc. Madax ka tirsan Dowladda Puntland gaar ahaan, Madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Janaraal Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilko-jiir) ayaa geliyey juhdi iyo wakhti badan si looga helo maalgelintaas dalka Kuwait.

Bartamihii bishii October sanadkii 2013-kii, Wasiirkii Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire iyo Xamad Al-Cumar oo ah agaasime ku xigeenka Sanduuqa Kuwait ee Horumarinta Dhaqaalaha Carabta (KFAED) ayaa kala saxiixday heshiiska deeqda dhismaha mashruuca garoonka diyaaradaha iyo jaamacada, kadib waxaa heshiis kale uu Wasiirku la saxiixday shikadda Nabeel Abdul-Raheem Consulting Firm (NARCO) oo saldhigoodu yahay Kuwait si ay u bixiso adeegyada la-talinta, naqshada iyo horumarinta labada mashruuc.

Qayb kamid ah dhaqaalaha oo dhan $6 milyan ayaa loo qoondeeyay mshruuca dayactirka iyo hagaajinta dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe halka inta harsan ee $4 milyan loo qoondeeyay dhismaha Jaamacada Maakhir.

Bishii ugu horeysay ee uu xilka qabtay sanadkii 2014-kii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu balanqaaday cadaalad, hufnaan iyo isla-xisaabtan dhinaca nidaamka qandaraas bixinta ee mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo gudaha Puntland. Madaxweynuhu balanqaadkaas si wanaagsan ayuu uga soo baxay ka dib markii si furan oo hufan loo sameeyay, hanaan wanaagsana loo maray qandaraas bixintii mashruuca dhismaha oo ay ku guuleysatey shirkad dhisme oo laga leeyahay dalka Turkiga loona yaqaan (SMK-Metag). Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha mashruuca garoonka Garoowe 26-dii bishii Diseember ee sanadkii 2015-kii.

Maxaa ka khaldamay dhammeystirka mashruuca?

Wadada ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka diyaaradaha Garoowe ee aan la dhameyn. [Sawirka: Puntland Mirror]
Wadada ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka diyaaradaha Garoowe ee aan la dhameyn. [Sawirka: Puntland Mirror]

Shaqooyinkii dhismaha ayaa joogsaday intii lagu guda jiray lixdii bilood ee la soo dhaafay. Shaqo weyn ayaa la qabtay balse lakabkii ugu adkaa ee shubka iyo laamiga isku dhafan ka samaysnaa ee wadada ay diyaaraduhu ku ordaan ayaan wali la dhigin.

Qayb kamid ah qalabka dhismaha garoonka diyaaradaha. [Sawirka: Puntland Mirror]
Qayb kamid ah qalabka dhismaha garoonka diyaaradaha. [Sawirka: Puntland Mirror]

Puntland Mirror ayaa ogaatey in ay jirto sir la daboolayo oo ku saabsan dhaqaalaha mashruuca. Injineero khabiiro ku ah dhinaca dhismaha ayaa ku qiyaasay in ilaa iyo $4 milyan oo ka mid ah maalgelintii loo isticmaalay shaqada dhismaha. Ma cadda sida iyo meesha lacagta inta dhiman oo dhan $2 milyan loo isticmaalay. Waxaa laga shanqariyey in dhaqaale dhan $2 milyan lagu bixiyay la-talin iyo arrimo kale oo muhiim u ah diyaarinta shaqada (indho-indhaynta, jaandhig,  taxliilinta iyo baarida ciidda dhulka, iwm).

Ilo-wareedkayaga ayaa xaqiijiyay in Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomadu aysan hayn wax macluumaad ah ama dukumentiyo ku saabsan mashruuca aysana ka jawaabi karin su’aalaha ku saabsan mashruuca.  

Arrintan isdhigashada iyo kala jeclaan la’aantu ku dheehan tahay ma la mid tahay dayacaad waajib iyo mas’uuliyad? Ma ay muujiinaysaa awood daro iyo karti daro dhinaca wasiirka?  Mise wax kale oo ka dhibaato badan ayaa jira sida in la qarinayo dhaqaalaha maqan?

Wasiirka duulista iyo garoomada Puntland Xasan Xaaji Siciid. [Xigashada Sawirka: Horseed Media]
Wasiirka duulista iyo garoomada Puntland Xasan Xaaji Siciid. [Xigashada Sawirka: Horseed Media]

Sidoo kale, Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidku ayaan wax lug ah ku lahayn howl-fulinta mashruucaan muhiimka ah.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland, Cabdirashiid Maxamed Xirsi. [Sawirka: Archive]
Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland, Cabdirashiid Maxamed Xirsi. [Sawirka: Archive]

Puntland Mirror ayaa sidoo kale ogaatey in sanadkii 2015-kii, Madaxweyne Cabdiweli uu Wasiirkii hore ee Maaliyada Mudane Shire Xaaji  (oo hadda ah Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah) uu u magacaabay in uu Dowladda Puntland wakiil uga ahaado una metelo mashruuca dhismaha garoonka uuna si toos ah ula xiriiro ulana shaqeeyo shirkada la-talinta, dhex-dhexaadiyaasha iyo si la mid ah deeq-bixiyaha.

Ilo-wareedkayaga ayaa noo cadeeyay in Mudane Shire uu tafaasiil iskhilaafsan ka bixiyey sababaha hakiyey shaqada dhismaha. Mar wuxuu sheegay in dhaqaalaha mashruuca si dhaqso ah loo soo dayn doono halka kulan kale oo Dowladdu lahayd uu ka dhex sheegay in dib u dhaca ay keentay bedelida Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Kuwait mana uusan ka hadlin xilliga ay macquul tahay in dhaqaalaha la helo. Waxaa la yaab leh oo ay Ilo-wareedkayagu cadayn kari waayeen in uu ula jeedo $2-da milyan ee ka dhiman qoondada iyo inuu ka hadlayo dhaqaale hor leh oo dheeri ah oo laga filayo inuu ka yimaado sanduuqa Kuwait.

Ka bilow bidix: ENG/DR Rami Chehade oo katirsan NARCO iyo mudane Shire Xaaji Faarax, wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland. [Xigashada Sawirka: Horseed Media]
Ka bilow bidix: ENG/DR Rami Chehade oo katirsan NARCO iyo mudane Shire Xaaji Faarax, wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland. [Xigashada Sawirka: Horseed Media]

Waxaa kale oo welwel leh in ganacso reer Puntland ah lacag deyn ah oo badan looga qaaday mashruuca taasoo aan la cadayn cida deyntaas lagu leeyahay inay tahay shirkada Turkiga ah ee garoonka dhisaysa iyo in lagu leeyahay Dowladda Puntland.

Ilo-wareedkayagu waxay quus ka muujiyeen rajada dhammeystirka mashruuca.  Saddexdii sanno ee lasoo dhaafay, Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas wuxuu si joogto ah ugu soo celcelinayay in ay ka go’an tahay fulinta balanqaadkiisii ahaa kobcinta iyo kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha Puntland. Madaxweynaha ayaa munaasabado dhowr jeer ah ka balanqaaday in inta xilligiisa xafiiska uusan dhammaan uu Puntland ka dhisi doono ilaa saddex garooon diyaaradeed oo caalami ah.

Puntland Mirror ayaa ogaatey in uusan ku faraxsanayn xaalada garoonka Garoowe uuna faahfaahin dheeraad ah ka sugayo Shire Xaaji.

Mudane Cali Jaamac oo ah Falaanqeeye dhinaca horumarinta oo fadhigiisu yahay Garoowe ayaan wax hadal ah kala gaban mashaariicdan qabyada ah kuwaas oo  wax caadi ah ka sii noqonaya gudaha Puntland. Mar uu qeexayay wuxuu ku tilmaamay “mashaariic qabyo ah oo haddii aan la dhamayn wax faa’iido iyo micne ah aan lahayn”. Waxaa uu ku daray. “in mararka qaar ay niyad-jab tahay marka aad aragto  rajada iyo filashada dadka oo sare loogu qaaday hadalo qurxin ah iyo balanqaadyo aan macquul ahayn.”

Sir maahan in wali ay jirto shaqo muhiim ah oo loo baahan yahay in laga qabto garoonka diyaaradaha Boosaaso sida dhismaha terminaalka garoonka. Balanqaadkii IGAD ee in ay caawimaad ka geysan doonto dhismaha terminaalka ayaan wali muuqan oo aan lahayn.

Inkastoo kulligeen aynu rajo ka qabno mustaqbalka dhamaystirka mashruuca, dad badan oo jooga Garoowe ayaa aaminsan in sida keliya ee loo xaqiijin karo dhamaystirka mashruuca dhismaha garoonka Garoowe ay tahay iyada oo uu Madaxweyne Gaas si toos ah ugu lug yeesho raadinta iyo helista maalgelin, halka dad kale ay dhiirigelinayaan in buslahada Garoowe ay mar labaad u kacdo hawshan ayna uruuriso dhaqaalaha loo baahanyahay si loo dhammesytiro mashruuca. Waxaa sidoo kale macquul ah in bulshada Garoowe ay taageero weydiisato Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ganjeelka banaanka ee dayrka siliga ah ee lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Garoowe. [Sawirka: Puntland Mirror]
Ganjeelka banaanka ee dayrka siliga ah ee lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Garoowe. [Sawirka: Puntland Mirror]

Puntland Mirror waxa uu sii wadi doonaa baaritaanka ku aadan mashruucaan muhiimka ah waxaana uu la wadaagi doonaa akhristayaashiisa macluumaadka soo kordha iyo sida sheekadaan ay noqoto.

Share this story about sharing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll Up