Madaxda Dowladdaha Xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya oo kulan la yeeshay xubno ka socda beesha caalamka

Shirka madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo beesha caalamka. [Isha sawirka: Puntland State House]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxda Dowladdaha Xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah kulan Muqdisho kula yeeshay xubno ka socda beesha caalamka.

Intii kulanku uu socday, waxaa looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa ismari-waaga socda ee ka taagan doorashada Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka ag dhow kulanka.

Asbuucyadii lasoo dhaafay, beesha caalamka oo walaac ka qabta dib u dhaca doorashada Soomaaliya ayaa waday dadaalo lagu xalinayo khilaafka ka jira doorashada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*