Baarlamaanka Puntland oo meelmariyay in dib loogu noqdo doorashada ku saleysan hab beeleedka

Golaha baarlamaanka Puntland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Golaha baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Talaado go’aamiyay habka ay u dhici doonto doorashada soo socota.

Intooda badan xildhibaanada ka soo qeybgalay kulanka maanta ayaa meelmariyay lifaaqa saddexaad ee doorshada madaxtinimada Puntland kaasoo tilmaamaya in doorashada soo socota ay ku dhici doonto qaab beeleedka.

Meelmarinta lifaaqa ayaa timid kadib markii Guddiga Doorashooyinka Puntland ay baarlamaanka kahor sheegeen in doorashada soo socota aysan ku qabsoomi karin nidaamka “hal qof iyo hal cod”.

Masuuliyiinta Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in dhaqaale la’aan iyo wakhtiga oo yar aysan suuroobi karin in la qabto doorashada xisbiyada badan oo ay dad-weynuhu codkooda dhiibtaan.

Todobo bilood kahor, warsidaha Puntland Mirror ayaa daabacay maqaal uu ku sheegay in Deeq bixiyeyaasha caalamiga oo diiday maalgelinta hanaanka dimuqraadiyeynta Puntland.

Wax ka yar shan bilood ayaa ka harsan wakhtiga Madaxweynaha hadda jooga ee Cabdiweli Maxamed Cali.

Baarlamaanka hadda jooga ayaa ku guda jira kalfadhigiisii 41-aad, kalfadhiga 42-aad oo xiga ayaa dhici doona bisha Oktoobar ee sanadkan xilligaas oo Madaxweynuhu kala diri doono baarlamaanka, sida dastuuriga ah.

Oday dhaqameedyada ayaa soo xuli doona baarlamaanka soo socda, sida uu sheegayo lifaaqa ay baarlamaanku meelmariyeen.

Ilaa dhowr musharax ayaa ku dhawaaqay in ay u tartami doonaan doorashada madaxweynenimada Puntland ee sanadka 2019-ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*