Hal askari oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxeysa Boosaaso iyo Qardho

 

Gaariga shilka galay oo ahaa gaari ciidan ayaa ahaa nooca gudaha Soomaaliya looga yaqaan “Cabdi Bille”. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan hal askari oo katirsanaa ciidamada Puntland ayaa ku geeriyooday kuwo kalena waa ay ku dhaawacmeen shil gaari oo shalay gala boo Arbaco ahayd ka dhacay wadada u dhaxeysa magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, sida ilo-wareed ku sugan degmada Carmo ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Gaariga shilka galay oo ahaa gaari ciidan ayaa ahaa nooca gudaha Soomaaliya looga yaqaan “Cabdi Bille”.

Askartii ku dhaawacmay oo qaarkood dhaawac halis ah uu soo gaaray ayaa loo qaaday isbitaalka magaalada Boosaaso.

Gaariga ayaa kamid ahaa kolonyo ciidamo ah oo ka yimid Boosaaso kuna socday Carmo, iyaga oo qeyb ka ah soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo la filayo maanta in uu gaaro Boosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*