Al-Shabaab oo sheegtay Saalax Badbaado oo horey xildhibaan DFS u ahaa inuu kamid ahaa kooxdii shalay weerarka is-biimaynta ah ka sameeyay Muqdisho

Saalax
Saalax Badbaado, Xildhibaan hore ee Soomaaliya.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Xildhibaan hore oo ka tirsanaan jiray baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa kamid ah naftood haligayaashii shalay oo Talaado ahayd isku-qarxiyay meel u dhow xarunta Amisom ee Muqdisho, sida ay sheegeen kooxda al-Shabaab.

Idaacada kooxda al-Shabaab u faafisa wararka ee Andalus ayaa sheegtay Saalax Badbaado inuu kamid ahaa nimankii isku-qarxiyay shalay Muqdisho.

Idaacada ayaa baahisay cod laga duubay Saalax Badbaado kahor inta uusan is-qarxin, wareysiga ayuu ku sheegay inuu rabo inuu is-biimeeyo.

Saalax Badbaado ayaa kamid ahaa xildhibaanadii dowlada federaalka Soomaaliya xilligii ay kumeel gaarka ahayd, isagoo xildhibaan ahaa muddo 10 –sanno ah. Kooxda al-Shabaab ayuu ku biiray sanadkii 2010-ka, isagoo ku eedeeyay dowlada xilligaas jirtay in aysan ku dhaqmin shareecada Islaamka.

Mudadii u dambaysay waxaa la sheegay Salaax inuu mu’adin ka ahaa masaajid kuyaala meelaha ay kooxda al-Shabaab gacanta ku hayso oo kutaala koonfurta Soomaaliya.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay kadib markii labo gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxshay lagu weeraray xarunta Amisom ee Xalane, Muqdisho, shalay oo Talaado ahayd.

Kooxda hubaysan ee al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas.  Kooxda ayaa dagaal kula jirta dowlada uu caalamka dabada ka riixayo ee Soomaaliya.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*