Ciidamada nabadsugida NISA oo gaari walxaha qarxa ay saarnaayeen ku qabtay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Gaari walxaha qarxa ay saarnaayeen
Gaariga walxaha qarxa ay saarnaayeen. Sawirka: Radio Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada nabadsugida dowlada Soomaaliya ee NISA ayaa howlgal ay xalay oo Talaado ahayd ka sameeyeen huteel kuyaala Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho waxay ku qabteen gaari walxaha qarxa iyo hub ay saarnaayeen.

Howlgalka ayaa yimid kadib markii ciidamada ay heleen in koox al-Shabaab ah ay ku dhuumanayeen huteel kuyaala suuqa Bakaaraha oo la dhaho Cimraan, sida ay sheegeen saraakiisha NISA.

Saraakiisha NISA oo la hadlay wakaalada wararka dowlada federaalka Soomaaliya ee Sonna ayaa sheegay in sidookale la qabtay dadkii gaariga lahaa oo looga shaki qabo kooxda al-Shabaab.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay oo u badan ciidamo ilaalo ah oo katirsan Amisom iyo Qaramada Midoobay kadib markii kooxda al-Shabaab ay shalay oo Talaado ahayd weerar is-biimayn ah ku qaaday xarunta Amisom ee Muqdisho.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*