Muqdisho-(Puntland Mirror) Xoghayaha Guud ee Jimciyada Qurumaha Ka Dhaxaysa Antonia Guterres ayaa maanta oo Talaado yimid caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Masuuliyiin sare oo katirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay sii hayaha wasiirka arrimaha dibada Cabdisalaam Hadliye ayaa Xoghayaha Guud iyo wefdi la socday ku qaabilay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cade ee gudaha Muqdisho.
Xoghayaha ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana kulankaas diirada lagu saaray sidii loogu gurman lahaa malaayiin Soomaali ah oo ay saamaysay abaarta daran ee dalka ka jirta, kuwaasoo u baahan caawimaad bini’aadanimo oo deg deg ah.
Waa markii kowaad oo Xoghayaha Guud ee Jimciyada Qurumaha Ka Dhaxaysa Antonia Guterres uu yimaado Muqdisho.