Nairobi-(Puntland Mirror) Xoghayaha arrimaha dibada dalka Maraykanka John Kerry ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Nairobi kula kulmay wasiirada arrimaha dibada ee wadamada Bariga Afrika.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loosoo afjari lahaa xiisadaha dagaal ee ka jira dalka Koonfurta Suudaan.
Waxaa kulanka ka qaybgalay wasiirada arrimaha dibada ee wadamada Kenya, Koonfurta Suudaan, Sudan, Soomaaliya iyo Uganda.
John Kerry oo ka hadlayay Nairobi, kadib markii uu la kulmay wasiirada arrimaha dibada ee wadamada Bariga Afrika ayaa ugu baaqay dalka Koonfurta Suudaan inay oggolaato in la geeyo ciidamo afar kun ah oo xoogan oo ka socda Qaramada Midoobay.
Xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka ayaa booqasho ku maraya wadamada Afrika ayaa la filayaa inuu booqdo dalka Nigeria.
Be the first to comment