Xildhibaanada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka safarkooda Garoowe uu yahay sidii ay wadatashi ula yeelan lahaayeen dowladda Puntland iyo shacabkeeda xilli uu weli jiro khilaaf aan la xalin oo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.