Shan qof oo ku geeriyootay qarax ka dhacay garoon kubada cagta oo kuyaala magaalo xeebeedka Baraawe

Magaalo xeebeedka Baraawe. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Bumbo ayaa dishay ugu yaraan shan qof oo daawadayaal ah garoon kubada cagta oo kuyaala koonfurta Soomaaliya, booliiska iyo xildhibaan ayaa sheegay maanta oo Jimce ah, waa markii kowaad oo qarax lala eegto garoon ciyaareed.

Qaraxa ayaa ka dhacay magaalo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose kadib dadka deegaanka oo daawanayay ciyaar galabtii Khamiista, sida ay booliiska sheegeen,  oo intaas ku daray in maleeshiyada Al-Shabaab ay weerarka ka dambeyn karto.

Booliiska ayaa sheegay in ay u egayd qarax gacanta laga hago.

“Bumbada ayaa dishay shan qof waxayna dhaawacday tobonaan kale oo ku sugnaa garoonka kubada cagta. Dhammaan khasaaraha ayaa soo gaaray daawadayaashii,” Mahad Dhoore, oo ah xildhibaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa sidaa u sheegay wakaalada wararka Reuters.

Sargaal booliiska katirsan, Maxamed Aadan ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab looga shaki qabo in ay weerarka ka dambeyso.

“Waxaanu fileynaa Al-Shabaab in ay ka dambeyso bartilmaameedkuna uu ahaa saraakiil kuwaasoo halkaas aan fadhiyin marka ciyaartu socotay. Qaraxa ayaa u muuqday mid gacanta laga hakayay oo halkaas lagu xiray,” sargaalka ayaa sidaa u sheegay Reuters.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dagaal ka wada gudaha Soomaaliya iyada oo dooneysa in ay awooda ka tuurto dowladda federaalka Soomaaliya.

Maleeshiyada ayaa weeraro joogto ah ka fulisa gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka.

“Al-Shabaab ayaa qaaday qaraxa kaasoo ay ku dhinteen dhalinyaro yar-yar kuwaasoo daawanayay ciyaar kubada cagta ah magaalada Baraawe. Al-Shabaab waa cadowga keliya oo aynu leenahay,” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidaa sheegay xalay mar uu ka hadlayay xaflad sagootin ah oo loo qabtay guddoomiyaha shaqada ka tagaya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*