Kismaayo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay xildhibaanda aqalka hoose iyo aqalka sare ee Jubbaland laga soo doortay.
Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u soo bandhigay xildhibaanada qorshihiisa afarta sanno ee soo socota haddii dib loo doorto.
Madaxweynaha hadda xilka haya ayaa u taagan doorashada madaxtinimada Soomaaliya mar labaad.