Taliyaha ciidamada booliiska Puntland oo xilkii ka qaaday taliyihii booliiska qeybta gobolka Nugaal

cabdiraxmaan-xaaji-abshir
Taliyihii hore ee qeybta booliiska gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo loo yaqaan “Qaan-qaan. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Taliyaha ciidamada booliiska Puntland Cabdiqaadir Shire Faarax ayaa xilkii ka qaaday taliyihii ciidamada booliiska qeybta gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo loo yaqaan “Qaan-qaan, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday booliiska oo uu arkay warsidaha Puntland Mirror.

Taliye Cabdiqaadir Shire ayaa u magacaabay Cabdirashiid Maxamuud Aw-xuseen oo sidoo kale loo yaqaan “Xinjira-dhuuq” inuu qabto taliyaha booliiska qeybta gobolka Nugaal.

Digreetada dhexdeeda, kuma cadda sababta ka dambaysa xil ka qaadista taliyihii hore ee qeybta gobolka Nugaal.

Taliyaha xilka laga qaday ayaa kasoo shaqeeyay taliska booliska qeybta gobolka Nugaal tan iyo 2009-kii.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*