Xasan Shiikh ayaa ka codsaday dalalka Carabta in ay kaalmo insaanimo ka geystaan abaarta daran ee haysata dadka Soomaaliyeed.
Dhankooda, diblomaasiyiinta Jaamacada Carabta ayaa balanqaaday in ay gacan ka geysan doonaan abaarta ka jirta dalka.
Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in Soomaaliya ay khatar ugu jirto in ay dib ugu dhacdo gaajo, iyada oo abaartu sii xumaanayso ku dhawaad shan milyan oo dad ah ayaan haysan cuno, biyo iyo daryeel caafimaad.